Senetor kasoo jeeda P/Land oo Ka Xumaaday Go’aankii DFS ee Carabta & Fariin Xasaasi ah oo uu udiray MD Farmaajo

Prof. Cabdirasaaq Cismaan Xasan (Juriile), oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee golaha Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa si faah faahsan uga hadlay muranka ka taagan waddamada Khaalijka.

Cabdirasaaq Juriile oo bixiyay waraysi dheer islamarkaana dhinacyo badan taabanayay ayaa dowladda Somalia ugu baaqay inay ka noqoto mowqifkeeda khuseeya dowladaha Khaliijka gaar ahaan hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xulafada uu hogaamiyo Sucuudiga iyo Qadar.

RIIX HALKAAN DHAGAYSO WAREYSI XASAASI AH

“Waxaan qabaa mowqifka dowladdu qaadatay in dib u eegis lagu sameeyo, waana sheegayaa sababta; Aniga Somalia ahaan khasaaro ayaa iigu jirta dhex-dhexaadnimo marka aan eegin tooda ee aan fiirsho danteena, Aniga Imaraadku Jaal ayuu nagula yahay la dagaallanka Argagixisada, waana ogtihiin Ciidan Kun iyo Dhowr-ka Boqol ah oo ay tababareen gacantana ku hayaan ee Bosaso jooga, maalin kasta kuwo ayaa Muqdishu tababar loogu soo xiraan, Ganacsatadeena ugu waaweyn ee Somalida ayaa jooga magaalada Dubai,” Ayuu yiri Juriile.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay