SAWIRRO:Shacabka Cadaado oo shacabka Soomaaliyeed si weyn oga yaabsaday kadib markii cunis ku bilaabayn

Meelo ka mid ah Gobollada Dhexe waxaa fara ba’an ku hayey muddooyinkii dambe Ayax dadka iyo duunyada ay ka harsan kari waayeen.

Meelaha lagu arkay waxaa kamid ah isagoo raxan raxan uguuraya saacadihii lasoo dhaafay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Waxa la isku dayey in la buufiyo,waxaana ayaheyd mid lagu guuleysan kari waayey tiro badnidiisa awgeed.

Maqaayadaha Qaar Ee Cadaado ayaana lagu arkayey dad cunaya Ayaxaasi oo qaati laga taagnaa saacadihii lasoo dhaafay Magaaladaasi.

Inkastoo Diinta ay xalaal ka dhigtay xarasharaadka la cuni karana lagu sheegay ayaa Degmada cadaado waxaa laga bilaabay in dadka ay cunaan Ayaxaasi.

Cadaado carfoon waxaa lagu bilaabay in Ayaxa la cuno,halka deegaanada qaar Ee Soomaaliland hubka ay boobayaasha iyo baroonada ku jiraan lagula dagaalamayey muddooyinkii lasoo dhaafay.