Sawirro:Madaxweyne Waare Oo Iska Indho Tiray Halista B/weyne & Arimo Culus jira

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan dhinaca Mareegta Internet-ka la qaatay xubno ka tirsan Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Kulanka u dhexmaray Madaxweyne Waare iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin wax ka qabashada Cudurka halista ah ee Coronavirus ee deegaanada Hirshabeelle.

Sidoo kale kulanka inta uu socday ayaa qodobada looga hadlay waxaa ku jiray Arrimaha doorashooyinka Maamulkaas iyo sidii dalka Soomaaliya ay uga dhici laheyd doorasho ‘hal qof iyo hal cod dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

Madaxweyne Waare xitaa ma soo hadal qaadin xaalad adag ee ka jirto Magaalada Balad weyne.