Sawirro:Booliska Norway oo warbaahinta u fasaxay gudaha masjidkii la weeraray iyo sida loo shaq-shaqay

Booliska dalka Norway ayaa warbaahinta kala duwan u ogolaaday in ay sawirro ka qaataan gudaha masjidka iyo sida ay wax usoo gaareen kadib markii ay ka dhameysteen baaristooda.

Sabtidii hore ayay aheyd markii Philip Manshaus (21-jir) uu weerar hubeysan ku qaaday masjidka al-Nuur ee deegaanka Bærum balse aan geysan wax khasaare ah.

Muuqaallada gudaha masjidka laga soo qaaday ayaa muujinaya dhiig iyo burbur rasaastu u geysatay masjidka.

Ninka weerarka geystay oo ku hubeesnaa qori darandoori u dhaca ayaa masjidka deegaanka Bærum ee duleedka Oslo ku furay rasaas, balse waxaa hakiyay oo qoriga kula dhagay labo waayeello ah oo ka mid ah jameecada masaajidka.

Baaris boolisku ku sameeyeen gurigiisa ayaa waxa ay ka heleen meydka gabar ay “walaalo” ahaayeen oo ay waalidkiis soo korsadeen taas oo kasoo jeeday asal ahaan dalka Shiinaha. Gabadhan ayaa lagu eedeynayaa in uu dilay ka hor inta uusan u dhaqaaqin dhanka masjidka.

Ujeedka weerarkan ayaa looga shakisan yahay fal cunsurinimo oo neceb ajaaniibta ah, waxaana falka weerarka ku dhaawacmay mid ka mid ah odayaashii qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here