SAWIRRO:Banaanbax Ka Dhan Ah Farmaajo &Kheyre &Fahad Yaasiin&dowlada Qadar oo kadhacay magaalada London

Banaanbax looga soo horjeedo Madaxda Ugu sareysa Dawlada Soomaaliya ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada London Ee Caasimada Ingiriiska.

Dibad baxayaasha waxay sheegeen in Dawlada Qatar ay ka qeyb qaadato Amni darada Soomaaliya,islamarkaana ay ku baaqayaan fara gelinta inay Joojiso ay ku heyso Siyaasada iyo mida Amniga Soomaaliya..

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa Banaanbax ka hor dhigay Safaarada Qatar Ee London,waxaana ay sheegeen in Farmaajo,Kheyre iyo Fahad Yaasiin inay Qatar ufududeeyaan Nabad gelyo xumada ka fuliso Soomaaliya.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Madaxda Dawlada Federaalka iyo tan Qatar oo looga jawaab celinayo Eeda Kaga timid Qaar ka mid ah Jaalliyada Soomaaliyeed Ee London Deggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here