Sawirro: Xildhibaanadii ugu badnaa oo Caawa Muqdisho kaga dhawaaqay Go’aan lama filaan ku noqday Xasan Sh

Xildhibaano isku baheystay inay yihiin isbedel doon ayaa caawa shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo iskood isu abaabulay.

Xildhibaanadan oo isu abaabulaya inay ka hortagaan dib u doorashada madaxaweyne Xasan Sheekh ayaa qaarkood hadallo ay ka jeediyeen kulanka ka sheegay in ujeedkoodu yahay inay beeniyaan in dowlado shisheeye ay saameyn ku yeeshaan Doorashada.

Waxaa ka dhex muuqda xildhibaano ay ka mid yihiin C/risaaq Jurrille, Axmed Macalim Faqi, Xuseen Carab Ciise, C/llaahi Goodax Barre iyo xubno kale.

Tirada xildhibaanada goobta ku sugan ayaa mid ka mida xildhibaanada ku sheegay inay gaarayaan 170, laakiin markii telefishinka laga daawaday ayaa tiradaasi ay tahay mid aad looga badbadiyay.

Xildhibaan Axmed Faqi ayaa sheegay in kacdoon cusub uu bilowday kaasoo looga hortegayo musuqmaasuqa iyo maamula xumida baahday, ayna maalinta doorashada la arki doono awoodda xildhibaanada labada aqal.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)