SAWIRRO: Wasiirka Amniga oo tagay Hoteelkii la weeraray & Xog Cusub oo laga helayo

Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku sugan goobka uu ka dhacay Qaraxa, waxaana sidoo kale gaaray Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka ee  SONNA ayaa sheegeysa in masuuliyiinta dowladda ee gaaray halka uu Qaraxa ka dhacay ay  arkeen  Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa lagu Qarxiyay Banaanka Hore ee Maqaayada Posh.

Inta la ogyahay ilaa iyo Sagaal Qof ayaa ku dhimatay waxaana sidoo kale dhaawacmay dad kale kuwaas oo haatan la geeyay Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Waxaa socda Baaritaano ay wadaan Ciidanka Ammaanka ee dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen Saraakiisha dowladda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay