SAWIRRO: Sacuudiga oo gacanta ku dhigay Rag Doonayay Iney Qaraxyo Ismiidaamin ah ka fuliyaan Wasaarada Gaashaandhiga…

Saraakiisha amaanka Sucuudiga ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe kooxda Daacish ku damacsanayd inay ku qarxiso laba xarumood oo ay wasaaradda Gaashaandhiggu ku leedahay magaalada Riyaad, lana la qabtay laba qof oo doonayey inay isku qarxiyaan goobahaas.

Masuul sare oo ka tirsan taliska nabad sugidda Sacuudiga ayaa sheegay in la qabtay labadan qof iyagoo is leh weerarka ku qaada labada goobood ee Wasaaradda gaashaandhiggu ku leedahay Riyaad.

Waxaa lala qabtay laba Jaaked oo nooca walxaha qarxa lagu xidho ah iyo sagaal bambo gacmeed, qoryo iyo toorreeyo.

Baaritaanada hor dhaca ahaa ee la sameeyey ayaa lagu ogaaday in labada qof dhalashadoodu tahay Yemen, waxaana sidoo kale lala qabtay laba qof oo kale oo Sucuudi ah kuwaasoo weli la baarayo xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo raggan isqarxin rabay.

labada nin ee rabay inay is qarxiyaan oo magacyadoodu kala yihiin Axmed Yaasir Al-Kaldi iyo Amaar ali Mohamed ayaa la qabtay daqiiqado ka hor iyagoo aan gaarn goobtii ay ku socdeen.

Sucuudiga ayaa mudooyinkan weeraro badan oo qaraxyo miidaamin ah lala beegsaday, waxaana wada sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka ama Daacish.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)