SAWIRRO: RW Itoobiya oo Go’aan lama filaan ah ka qaatay Khilaafka Qatar iyo Sacuudiga

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa qaatay go’aan adag oo ku aadan xiisada udhaxeysa Wadamada Khaliijka gaar ahaan isbahaysiga Sacuudiga iyo dalka Qatar.

War kasoo baxay Dowlada Itoobiya ayaa lagu go’aamiyay iney arin dhexdhexaadnimo ah ka qaateen khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex oogan dalalka Khaliijka.

Itoobiya ayaa sheegtay inay ka xun tahay xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Khaliijka Carbeed, isla markaana ay ku baaqday in xal wadahadal loo maro lagu dhammeeyo is mari waagga.

La-taliyaha Boqorka Sacuudiga Ahmed Al-khadiib ayaa dhowaan booqday magaalada Adis ababa kadib markii uu yimid Muqdisho, isagoo la kulmay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo u caddeysay Mowqifkeeda.

Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Adis isna booqday wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Qatar Sultan Bin Saad-Al Murakhi  oo shalay iyo xalay ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn u caddeeyay mowqifka Itoobiya ee ah in qaab nabadeed lagu xaliyo xiisadda dalalka Khaliijka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay