Sawirro:-Oday Soomaali Ah Oo Markale Raadinaya La Kulanka Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka..

Maxamed Xasan Muumin oo ka mid ah Odayaasha Nabadda ee ku nool magaalladda Wajeer ee W/bari Kenya ayaa sheegay inuu doonayo inuu mar kale la kulmo Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama oo haatan booqasho ku jooga Kenya.

Oday Nabadeedkaasi oo Wareysi Khaas ah siiyey Wargeyska maalinlaha ee NATION ee ka soo baxa magaalladda Nairobi waxa uu tilmaamay inuu horey ugu ku guul-daraystay inuu Barack Obama oo isagoo Madaxweyne ahaa kula kulmo magaalladda Nairobi sannadkii 2015-kii.

Maxamed Xasan Muumin oo mar Guddoomiye ka ahaa Kooxda Nabadda ee Al-fatax (The Al-Fatah Peace Group) waxaa lagu xasuustaa isagoo noqday Nabadoonkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey ee Barack Obama haddiyad ahaan ugu labisay Dharka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed sannadkii 2006-dii.

Barack Obama oo xilligaas Senator ka ahaa Kongareeska Maraykanka waxa uu booqsho ku tegay magaalladda Wajeer oo aad ugu dhow xuduudka Somalia, iyadoo loogu labisay qaab aad ugu muuqaal ekaa sida ay Odayaasha Dhaqameedyadda Soomaalida u labistaan.

Markii uu Barack Obama noqday Madaxweyihii ee Maraykanka waxa uu naqdin kulul kala kulmay Siyaasiyiintii Xisbigii Jamhuuriga, kuwaasi oo ku dhaleeceeyey Labiska Soomaalida ee uu markii uu Senatorka ahaa ku xirtay Degmadda Wajeer.

Dhinaca kale, ma kala cadda inuu Nabadoon Maxamed Xasan Muumin la kulmi doono Barack Obama oo haatan booqasho ku jooga Nairobi.

Barack Obama waxa uu shalay la kulmay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka, Raila Odinga, waxaana la filayaa inuu maanta Walaashiisa Auma Obama ku soo booqdo Degmadda K’Ogelo oo Qoyska Reer Obama.asal ahaan ka soo jeedaab,

Barck Obama oo ahaa Madaxweynaha 44-aad ee Maraykanka waxa uu xilkaasi hayey bishi iJanaayo 20-dii ere sannadkii 2009-kii ilaa bishii Janaayo 20-dii ee sannadkii 2017-dii wuxuuna dalka Kenya oo uu Aabihiisa dhalasho ahaan ka soo jeedo booqday sannadihii 1987-dii, 1992-dii, 2015-kii iyo sannadkan 2018-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here