SAWIRRO: Muxuu Xasan Sheikh kala hadlay James Swan?+(Dalab Xasaasi ah)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta 27-Sep.2020 Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiilka gaarka ah xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo James Swan ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya ayagoo isku soo qaaday arrimaha doorashooyinka ee 2020-21.

Xasan Sheikh ayaa u gudbiyay Mr. James Swan dalabkooda ku aadan iney doonayaan in doorashada waqtigeeda ku dhacdo,islamarkaana kaalintooda ka qaataan xafiiska UNSOM arrintaas.

Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa Muqdisho ku gaaray heshiis dhigaya in doorasho dadban la aado oo waqtigeeda ku dhacda.