SAWIRRO: Maxaa haatan ka socda Hoteel Posh & Ciidamada Gaashaan oo hormar ka sameeyay Holwgalka

Warar haatan naga soo gaaray hotel Posh ayaa sheegaya inu soconayo howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo gaba gabeynayo weerarkaas.

Dagaalyahanadii Shabaab ayaa wali ku jira dhismaha hoteelka, waxaana ay sameynayaan iska cabin xoogan inkastoo ciidamada Gaashaan ay gudaha ugaleen xaruntaas.

Wararka aynu haatan heleyno ayaa sheegaya in gudaha hoteelka lagu wada jiro, qorshahana uu yahay in howlgalkaas lasoo gabagbeeyo.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in lasoo bad baadiyay tobonaan ajaanib ah kuwaas oo ku jiray dhismaha saacadihii ugu dambeeyay, dada lasoo bad baadiyay ayaa intooda badan waxaa ay kasoo jeedeen Itoobiya iyo Kenya waxaana ay ubadnaayeen shaqaalo xarunta ka shaqeynayay.

Afhayeen uhadlay Wasaarada Amniga ayaa sheegay in dhimashada ay ka badan tahay intii la filyay laakiin tiro sax ah lasoo saari doono marka howlgalku dhamaado.

AlShabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkaas ayaa tilmaamay iney laayeen sirdoon shisheeye iyo masuulliyiin dowladda Soomaaliya katirsan.

Laakiin, waxaa goobta ku dhintay dad ubadan dhalinyaro ku caweyneysay hoteelka oo ah meel si weyn loo soo camiro habeenkii


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay