SAWIRRO: Maalinta YOGA Oo Laga Xusay Deegaanada Puntland & Shacabka Oo Si Aan Wanaagsaneyn Kaga Fal Celiyay

Magaalada Garoowe waxaa lagu xusay maalinta caalamiga ah ee Yoga , “INTERNATIONAL DAY OF YOGA 2019”

waxaa ka soo qeyb galay Safiirka Hindiya ee u fadhiya Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayay , wasiirada haweenka Puntland iyo Kudhowaad Boqol Dumar ah oo ciyaartan sameynayay.

Saynab Daahir oo ah Gabar Reer Puntland ah ayaa iyadu markii u horeysay Soomaaliya ka furtay Goob lagu magacaabo Yoga&Foox oo horay loogu baran jiray ciyaarta Yoga Isla Magaalada Garoowe ee Caasumada Puntland.

Arrinta ayaa la Yaab ku noqotay shacabka Soomaaliyeed,waxayna dadka qaar u fasireen inuu yahay dhaqan ka dhan ah dhaqankeena iyo Diinteena Islaamka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here