SAWIRRO: Dowladda Soomaaliya oo isbedel ku sameysay Xeradii Jen. Gordon ee Imaaraadku ka baxay

Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Ciidamada Gen. Goordan ee Magaaladan Muqdisho oo hore imaaraadkuu maamuli jiray, balse isbedel lagu sameeyay markii dowladda Soomaaliya la wareegtay ciidamadii ku jiray.

Ra’iisal wasare Kheyre ayaa khudbad u jeediyey ciidamada Guutada 14-ka October ee xoogga dalka oo tababar uga socday, wuxuuna xerada kula qadeeyay ciidamada, isagoo wareysiyo qaar ka mida skarta tababarka qaadanaysa.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada difaaca iyo Amniga, abaanduulaha Ciidanka iyo saraakiil kale ayaa ciidamada u balan qaaday in xaquuqda ay qaranka ku leeyihiin u heli doonaan si joogta ah si la mida shaqaalaha kale ee dowladda.

“Dal buburay waxaa dhisi kara ciidan, nabad la waayay waxaa soo celi kara ciidan, dawlad taag daran waa quwad iyo xoog u yeeli kara ciidan. Cawdawga dibadda iyo gudaha laguma difaaci karo qabiil ee waxaa lagu difaaci karaa ciidan qaran oo idinka oo kale ah. Maanta dalkeenna waxaa bad-baadin kara ciidan aan daacad u aheyn qabiil, qolo iyo dan gaar ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here