Sawirro:-Darawal Mooto Bajaaj Oo Lagu Dilay Muqdisho Iyo Banaanbax Xoogan Oo Socda

Waxaa Goordhow Askari ka tirsan Ciidamada Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minashiibiyada uu Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgooyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ayaa waxa ay u sheegeen in dilkan uu ka dhacay Bartamaha Isgoyska Sanca,isla markaana Askariga ka tirsan Ciidanka Minashiibiyada u geystay Darawalkaas.

Sidoo kale waxaa la sheegay in askariga dilka geystay iyo Darawalka Mooto Bajaajle ahaa falka inta uusan dhicin muran uu soo kala dhexgalay labada dhinac,hayeeshee markii dambe uu rasaas madaxa ugu dhuftay,isagoo durbo goobta ku geeriyooday.

Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda banaanbax xoogan ,kaasi oo dhigayaan qaar kamid ah dhalinyarada kaxeeysa Mooto Bajaajta,iyagoona aad uga soo horjeeda dilkii loo gesytay Darawalkii waday Bajaajta.

Laba habeen kahor ayay aheyd markii Askari ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya uu Isgoyska Sanca ku dilay Darawal watay Mooto Bajaaj,xili halkaas uu ku sugnaa.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here