SAWIRRO CUSUB: Shacabka iyo Ciidamada oo isku milmay (Lama arag maanta ka dhacday Muqdisho)

Magaalada Muqdisho ayaa weli waxaa ka jirta xamaasad iyo dabaal deg lagu soo dhoweynayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shacabka iyo ciidamada kala duwan ayaa isku dhex milmay, iyadoo dadweynihii ay la wareegeen maamulka magaalada, taasoo keentay in gaadiidkii ciidamada ay si xamaasadeysan u fuulaan dadweyne ku faraxsan doorashada madaxweynaha cusub.Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa dadweyne isu soo baxay, kuwaasi oo gaadiidkii ciidamada dusha sare ka saaran, halka ciidamadana ay rasaas dabaal deg ah weli hawada u ridayaan.

Wadooyinka qaar ayaa dadweynihii xireen, waxaana isdhex galay ciidamadii iyo dadweynaha oo markii hore aysan isu soo dhawaan jirin.

Xaaladdaan cusub ayaa suuragal ah in amni daro ay ka dhalado oo lagu soo dhex dhuunto, suuragalna ay tahay in falal amaan daro laga dhex abuuro.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan, ciidamadana wuxuu ka codsaday inay joojiyaan dab ridka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)