Home WARARKA SAWIRO: Taliyaha Ciidamada Booliska DF oo la yimid qorshayaal aad loogu riyaaqay…

SAWIRO: Taliyaha Ciidamada Booliska DF oo la yimid qorshayaal aad loogu riyaaqay…

157
0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo ay wehliyeen qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska, ayaa kormeeray Dugsiga tababarka Ciidanka Gen kaahiye, halkaasi oo uu kula kulmay Ciidan dhowaan tababar loo furay.

Taliyaha oo la hadlay Ciidankaasi, ayaa ku dhiiri geliyey inay u adkeystaan noocyada kala duwan ee tababarka la siinayo , islamarkaana ay oggaadaan in ujeedada tababarka loo siinayo ay tahay in ay noqdaan kuwa dalka u adeego, kana dhiidhiya ficilada arxan laawayaasha Argagixisada ah.

Sidoo kale Taliyaha, ayaa kormeeray qeybaha kale ee Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Gen Kaahiye, waxaana shaqada halkaasi ka socota warbixin ka siiyey Taliyaha Dugsigaasi.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here