SAWIRO: RW Kheyre oo soo dhaweeyay Gudoomiyaha Midowga Afrika & MD Farmaajo oo la kulmay

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Muuse Faki ayaa maanta oo sabti ah 18 Marso 2017 tahay  soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,Moussa Faki Mahamat waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka socday AMISOM

Kadibna waxaa uu Villa Soomaaliya kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayna ka wada hadleen howlgalka midowga afrika ee soomaaliya iyo xaalada abaaraha ee ka jira dalka.

Labada masuul ayaa ka wadahadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arimaha abaaraha oo ah xaalad adag oo haatan ka taagan Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo iyo gudoomiye Faki ayaa ka wadahadlay howlgalka ciidamada Afrikaanka ah ay ka wadaan Soomaaliya iyo sidii lo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah AlShabaab.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay