SAWIRO QURUX BADAN: Kumanaan Qof oo wata Sawirka Mudane Farmaajo oo Muqdisho isugu soo baxay

Isku soo baxii ugu weynaa ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kaas oo lagu taageerayo madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Shacabkan oo ka kala yimid dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa iyagoo ku labisan calanka Soomaaliya haystana sawirka madaxwenye Farmaajo ku qeylinayay in Soomaaliya ay ka baxday dhibaatadii soo jireenka aheyd mudada 25ka sano ah.

Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada qaranka Soomaaliya iney dhageysteen codsigii dadweynaha oo ay doorteen mudanihii ay shacabka doonayeen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)