SAWIRO & MUUQAAL: Askartii laga dilay Kenya oo xog buuxda laga helay & Meydadkooda oo NBI la geeyay

Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in kaliya sagaal askari ay kaga dhinteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Kulbiyow, hase ahaatee qaar kamid ah saxaafada Kenya ayaa tabineysa in dhimashadu ay gaareyso ilaa 68 askari

Kooxda AlShabaab oo weerarkaas qaaday jimcihii lasoo dhaafay ayaa dhankeeda sheegatay in 50 kamid ah ciidamada Kenya ay dileen.

Mid kamid ah Website-yada ugu waa weyn Kenya ayaase soo daabacay sawirada qaar kamid ah askartii Kenya looga dilay dagaalkii ka dhacay Kulbiyow kuwaas oo meydkooda loo soo qaaday Kenya si loogu aaso.

Askarta la dilay waxaa kamid ahaa Francis Kombo oo kasoo jeeda gobolka xeebta Kenya, halka Kassim Darga oo isna kasoo jeeda deegaanka Madogo,ee koontiga Tana River la filay

RIIX HALKAN: DAAWO MUUQAALKA

Abdulah Aziz oo kamid ahaa saraakiisha KDF-ta ayaa sidoo kale lagu dilay halka George Ndirangu isna uu kamid ahaa askartii ku baxday gacanta AlShabaab.

Si kastaba, AlShabaab ayaa marar badan dhibaato ugeystay ciidamada Kenya iyadoo la aamisan yahay in boqolaal katirsan KDF-ta ay ku maqan yihiin gacanta AlShabaab .


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)