SAWIRO: Lacagta Turkiga oo qiimo-dhacday iyo Erdogan oo sheegay in dagaal dhaqaale lagu soo qaaday..

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabo ay ku dajinayso suuqyada ka dib markii qiimaha lacqagtooda Liiraha aymeeshii ugu hoosaysay ka gaartay suuqyada saamiyada ee Aasiya.

Faahfaahinta tallaabadaas ayaa la shaacin doonaa maanta oo Isniin ah, sida uu wargeyska Turkiga ka soo baxa ee Hurriyet u sheegay wasiirka maaliyadda.

“Subaxnimada Isniinta iyo wixii ka dambeeyaba hay’adahanagu waxay qaadi doonaan tallaabooyinka muhiimka ah, waxa aan shaacinaynana suuqyada ayaan la wadaagi doonaa,” ayuu yiri Berat Albayrak.

Jimcihii ayay lacagta Turkiga ee Iiraha lumisay 20% boqolkiiba qiimaheedii marka lagu sarifayo doolarka. In kabadan 40% ayayna qiimo beeshay sannadkii hore.

Albayrak ayaa sheegay in dalku uu si degdeg ah wax uga qaban doono arrintaas” isla markaasna ay qorshaha ugu jirto in ay gacan siiyaan bangiyada iyo ganacsatada yaryar iyo kuwa meel dhexaadka ah, kuwaas oo ay saamaynta ugu wayn ku yeelatay qiima-dhaca ku timid lacagta Iiraha.

Ballan-qaadkan ayaa yimid ka dib markii madaxweyneha Turkigu uu qiima dhaca lacagta dalkiisa ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dalkiisa islamarkaana carrabka ku dhuftay in dagaal dhaqaale lagu soo qaaday.

Madaxweyne Erdogan ayaa mar kale ku baaqay in dadka Turkida ahi ay gaadaan doolarka ay hayaan oo ay ku iibsadaan lacagta Iira-da si loo xoojiyo sarifka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here