SAWIRO: Ilinta Shacabkii ku midoobay Mareykanka oo Hurdo la’aan ku riday Donald Trump

Boqolaal dad ah ayaa kasoo dagay dalka Mareykanka kadib markii maxkamada racfaanka dalkaas ay xakuntay in la joojiyay amarkii madaxweynaha Mareykanka uu dalka iney soo galaan kaga mamnuucay dadka kasoo jeeda dalal badan oo Muslim ah

Dadkan oo ay kamid yihiin Soomaali ayaa farxad aan caadi aheyn dareemayay kadib markii ay qoysas mudo kala maqnaa is-heleen

Dadkaas waxaa kamid ahaa  Eman Ali oo aheyd 12 sano jir iyo aabaheed Ahmed, kuwaas oo axadii kasoo dagtay San Francisco International Airport, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen walaashiis ka weyn iyo qaar kale oo qoyskiisa ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waa ay carartay si ay laabta ugaliso walaasheed, kadibna iyadoo ilimeyneysa ayaa kor loo qaaday, waana qaar kamid ah sawiradii tiiraanyada lahaa ee laga qaaday dadka.

Eman iyo aabaheed ayaa ku sugnaa dalka Dijbouti tan iyo isniintii lasoo dhaafay markaas oo loo diiday iney galaan Mareykanka maadaama ay asal ahaan kasoo jeedo Yemen.

Hadii Donald Trump uu amarkiisa shaqeyn lahaa dadkan ma aysan midoobeen (Picture: Reuters)

Nazanin Zinouri, bidixda, Waa laga mamnuucay dalkaas xili ay kasoo daganeysay South Carolina (Picture: AP)

 

Gabar Ardayad ah Sara Yarjani, ayaa iyadana lo diiday iney ku laabato US, halka dad kale oo badan ay dhibaato taas lamid ah heleen.

Waxaa sidoo kale kamid ahaa dadkaas Mohamed lye oo ay la socotay gabadhiisa oo ah afar sano jir lagu magacaabo Naciimo kuwaas oo iyagana kamid ahaa dadkii loo diidanaa iney galaan Mareykanka

Mohamed lye oo ah Soomaali xambaarsan gabadhiisa oo ah 4-sano jir lagu magacaabo Nacimo (Picture: AP)

Dalalka uu ka mamnuucay Donld dalkiisa waxaa kamid ah Iraq, Syria, Iran, Libya, Somalia, Sudan iyo Yemen, laakiin maxkamada ayaa ogolaatay in dadkaas ay Mareykanka soo galaan inta kiiskan si dhameystiran loo dhageysanayo

Ali Abdullah Alghazali, 13 jir, dhanka midig, waxaa uu ka yimid Yemen, Waxaana uu u oynayaa la kulanka aabihiis Abdullah Alghazali (Picture: AP)


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)