SAWIRO: Doorashadii Farmaajo, Isbadalka Soomaaliya & Arimo Xasaasi ah oo kasoo baxay Kulan dhexmaray C/Wali Gaas & Itoobiya

Madaxweynha Puntland ayaa markii uu soo gaadhay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopian waxaa garoonka diyaarada ee magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyey wasiirka Arimaha dibada ee wadanka Ethiopia mudane. Workneh Gebeyehu.

Soo dhawayn kadib ayaa madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Arimaha Dibada Etiopa Mr. Workneh Gebeyehu waxay kulan gaara ku wada yeesheen qolka nashada marti sharafta ee garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa Bole International Airport.

Kulankan gaara ee Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia wada yeesheen ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xidhiidhka Puntland iyo Ethiopia, xasiloonida iyo adkaynta nabadgelyada, ladagaalanka Argagaxisada iyo sidoo kale kor uqaadida kaabayaasha dhaqaalaha iyo xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya labada wadan.

Sidoo kale kulnaka ayaa waxaa looga wada hadlay isbedelka doorashii ka dhacaday Soomaaliya iyo guud ahaanba siyaasada Soomaaliya iyo sidii hore loogu sii socon lahaa, soomaaliyana loo gaadhsiin lahaa heer wanaagsan oo looga gudbi karo caqabadaha ka jira amaanka iyo heerka nolosha.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia ayaa Madaxweynaha Puntland ugu hambalyeeyey doorka wanaagsan ee Puntland markasta ka qaadato ladagaalanka budhcad badeeda iyo kooxa argagaxisada ah, kooxahaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo caqabad ku ah horumarka iyo xasiloonida Gobolka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo uga mahadnaqay Ethiopia xidhiidhka dhow ee ay markasta la leedahay Puntland, ayaa dhinaca kalena tilmaamay inay xiligani jiraan Abaaro iyo colaado soo noqnoqday oo ku baahay Soomaliya, gaar’ahaana Puntland ay abaarahaasi ay ka geysteen macaluul iyo haraad xoogan oo dabar jaray dad iyo duunyoba, islamar’ahaantaana xaalufiyey deegaan ka dulka.

Ugu danbayn: Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu kusugan yahay magaadala Addis Ababa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa madaxda sare ee Ethiopia, IGAD, African Union, beesha caalamka iyo hay’adaha safalka ee xarumha ku leh Ethiopa.

–DHAMMAAD–


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay