SAWIRO: AlShabaab oo soo bandhigay Askar kasoo goostay DF oo diyaar u ah iney dagaalamaan

Kooxda AlShabaab ayaa soo bandhigtay ciidamo ay sheegeen iney katirsanaayeen DF Soomaaliya kuwaas oo haatan diyaar u ah iney udagaalamaan AlShabaab.

AlShabaab ayaa qeybo kamid ah Bay iyo Bakool kusoo bandhigtay askartan oo wata qamiis iyo cimaamado waxaana ay sheegeen iney ahaayeen askar dowlada katirsanaa oo isa soo dhiibay

Saraakiisha AlShabaab ayaa sheegay in ciidamadan ay haatan soo dhameeyeen waxbarashadii diinta Islaamka ayna diyaar uyihiin iney iyaga udagaalamaan sida ay hadalka udhigeen


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay