Sawiradii laga qaaday tagitaanka Dhuusamareeb Kheyre oo noqday kuwa hadal heyn xoogan dhaliyay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Waxaa si wadajir ah ay garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Jubbaland Axmed Madoobe, Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Raisul Wasaare Khayre ayaa ka qeyb geli doona wejidga labaad ee shirka DF iyo dowlad goboleedyada ee halkaas ka furmaya dhowaan kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, iyadoo Madaweyne Farmaajo uu ku biirayo shirkaas maalmaha so socda sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.