Home WARARKA Sargaal Sare Oo Laamaha Amniga Jubbaland Katirsanaa Oo Nolol iyo Geeri La...

Sargaal Sare Oo Laamaha Amniga Jubbaland Katirsanaa Oo Nolol iyo Geeri La Waayey [Magaciisa]

1
0

Wararka laga helayo Qeybo ka mid ah Gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Raq iyo Ruux midna lagu Heyn Sargaal Sare  uga mid ah Taliska Laamaha Amniga Jubbaland.

Xogtaan oo mar dhaw soo baxday ayaa lagu baraarugay dhawaan xilli maalmo la weysan yahay Sargaalkaasi oo loo maleenayo inuu ugacan galay Kooxda Al Shabaab.

Maxamed Naasir oo Ahaa Taliyihii Booliska Magaalada Kismaayo ayaa Taleefoonadiisa la waayey oo ay dansan yihiin isaga oo dhawaan Dad dagaalamay Heshiisiintooda u aaday Dhinaca Deegaanka Diif Ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka Baahin ay ka helayso Kismaayo ayaa sheegaya in Sargaalkaasi ay la socdeen Ciidan Ilaalo u ahaa markii ay aadayeen Diif xilli lala socdo in maanta ay Shabaab qabsadeen diif lagana cabsi qabo in Sargaalka iyo Ciidankiisa ay gacanta ku dhigeen.

Saraakiisha Amniga Jubbaland waxay sheegeen inay Ciidan gurmad ah dirayaan oo soo ogaada Xaalada Nololeed iyo geeri hadii ay jirto Taliyihii Booliska Kismaayo Maxamed Naasir iyo Ciidanka La socda.

 

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here