SARACEN: Tusaalaha Dib U Addoonsiga Soomaaliya “Qormo Xiiso Badan”

Beryahan waxaa soo kordhaya qaylodhaanta la xidhiidha xadgudubyada iyo foolxumooyinka addoonsiga ee ka soo daahiraya xerada ay magaalada Boosaaso ku leedahay shirkadda SARACEN oo ah shirkad diyaarisa xoog calooshiisa u shaqayste ah oo lagu qabsanayo Soomaaliya. Shirkaddan iyo hawlgalkeedaba waxaa  maalgeliya dawladda Imaaraadka Carabtu oo wakiil ka ah quwado waaweyn oo daaha dabadiisa ka maamulaya dawladda carbeed ee aynu muddaba jaalka ahayn. Shirkadda waxaa maamula shaqaale iyaguna calooshooda u shaqaystayaal ajnabi ah kuwaas oo qawmiyado dhawra isugu jira carabse u badan.

Waxaa shirkaddu ay dalka ka shaqaalaysay rag Soomaali ah oo badankooda la askareeyay, si loogu ilaaliyo joogitaanka sharkaddan shisheeye iyo shaqada qarsoodiga ah ee ay dalka u joogto. Shaqaalahan Soomaalida ah badidooda ayaa laga xushay qabaa’illada maamulka Puntland ka tirsan, sannad walbana waa la kordhiyaa oo rag hor leh oo dhalliyaro ah ayaa la askareeyaa.

Tan iyo intii shirkaddani dalka timidba waxaa soo baxaya eedo noocyo kala duwan ah oo hawlwadeennada ajnabiga ah ee shirkadda maamulaa kula kacaan askarta Soomaalida ah ee iyaga ilaaliya, shaqaalaha rayidka ah ee xeradooda ka shaqeeya iyo dadka degaanka ee dhulka xeradu ku taal ka agdhow.

Toddobaadkan waxaa soo shaac baxay war xanuun badan oo la xidhiidha xarig iyo jirdil loo geystay laba ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee ka shaqeeya xerada askarata ee SARACEN Boosaaso ku leedahay. Hawlwadeennadan ayay ninmanka xerada maamulaa ku eedeeyeen lunsi hanti iyo musuq. Inkasta oo aan eedahaasi si rasmi ah loo caddeyn, nidaam garsoonra la marin, haddana waxaa jira xog laga helay askarta Soomaalida ah ee xerada jooga kuwaas oo sheegay in hawlwadeennada labada ah ee la xiray aad loo ciqaabay loona jirdilay si insaannimada ka baxsan, iyada madaxda xeradu aanay doonayn in la ogaado eedaha loo haysto shaqaalahaas iyo xadgudubka lagu sameeyeyba.  Ilo kale oo aan sugnayn ayaa iyana sheegaya hantida maqan iyo musuq dhacay aanay jirin balse raggaan looga shakiyey in ay heleen isla markaana doonayaa in ay faafiyaan siro shirkaddu leedahay oo ayan doonnayn in la dibadda u baxdo, sirahaas oo haddii laga warhelo keeni kara kacdoon gobolka ka dhasha kaas oo fashilin kara  hawlgalka SARACEN iyo qorshaha dawladda imaaraadka Carabta.

Fadeexaddan cusub ayaa faaftay markii labada shaqaalaha ah midkood oo la yidhaahdo Axmed Guutaale dhawr cisho ka hor uu ka baxsaday xabsi ku yaal xerada kadib markii si xun loogu jirdiley halkaas. Waxaase colkan shisheeyaha ah weli gacantooda ku jira. Cabdicasiis Kabayare oo ah kalkaaliye caafimaad.

Xog soo gaartay ehelada kalkaaliyaas caafimaad ee weli gacanta ajnabiga ku jira ayaa sheegaysa wiilkooda lagu sameeyay jirdil culus caafimaad ahaanna uu la ildaran yahay dhaawacyo ka soo gaaray ciqaabta la mariyay. Waxaa kale oo la ogaaday in Cabdicasiis Kabayare lagu qasbay in uu saxiiso warqad uu ku qiranayo in uu galay eedaha loo haysto iyo cafis uu weydiisto maamulyaasha SARACEN.

Sannaddkii 2012 waxaa jirey fal caynkan oo kale ah oo maamulayaasha ajnabiga ahi kula kaceen askarta Soomaali ah ee u shaqaysa. Taasina waxaa ay keenatay in rag ka mid ah askartu ay gadoodaan dabadeedna ay qudha ka jaraan mid ka mid ah saraakiisha caddaanka ahaa oo u dhashay dalka Koonfur  Afrika.

Sannadkii 2015 waxaa khilaaf xooggani dhex maray dadweynaha ku nool tuulada xeeta ku taal ee  Qaw  oo Boosaaso galbeed kaga aaddan. Qaw waxaa ay u dhow dahay  dhulka ay SARECEN ka samaystay saldhigga ciidan. SARECEN waxaa ay doonaysay in ay degaan cusub ka hesho Qaw, balse dadweynaha degaanka oo shaki ka qabay hawlgallada shirkaddaasi ajnabiga ah ee wararka aan wanaagsanayn ku lammaan yihiin ayaa is hortaagay damaca dhulballaarsiga ah ee shirkaddan. Sannadkii dhammaaday ee 2016 SARACEN waxaa ay weerartay dadna ku laysay isla degaankaasi QAW, waxaana ay xoog ku qaadatay dhul iyo guryo degaankaas ku yaallay.  Taasina waxaa ay keentay in waxgaradka iyo qurbejoogta degaanku ay warbaahinta ka caabaareeyeen xadgudubka dadka rayidka ah lagu falay  iyo damaca dhulboobka ah ee shirkaddan qalaad.  Qurbejoogtu waxay ku hanjabeen in dacwad ka dhan ah shirkaddaas ay u gudbinayaan Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah. Waxaa arrinka goordambe soo farageliyay Cabdiweli Maxamed Caligaas oo hoggaamiyayaasha buslahada degaanka ku qanciyay in magdhow laga siinayo dhibaatadii shirkaddu u geysatay, faa’iidooyin dheeraad ahna u sheegay in ay maamulkiisa ka heli doonaan. Si kastaba arrintu ha u dhacdee, xaalka waa la qaboojiyey. Balse dhulkii ay shirkaddu boobtay weli lama celin.

Shirkaddan oo si sharci darro ah kusoo gashay kuna joogta dalka ayaa heshiis qarsoodi ah waxaa hore ula galay Madaxweyihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud (Faroole), dabadeedna waxaa heshiiskaasi u cusboonaysiiyay ninka Faroole beedelay Cabdiwweli Maxamed Caligaas.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa joogitaanka SARACEN iyo hawlgalkeedaba ku tilmaantay mid sharci darro ah oo xadgudub ku ah cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya. Hay’adda Qaramada Midoobay waxay walaac ka muujisay qarsoonaanta ajandaha shirkaddan oo ay ku tilmaantay mid shakibadan abuuraya.

Baarlamaanka maamulgobleedka  Puntland ilaa hadda ma oggolaan joogitaanka shirkaddan.

Shirkaddai waxaa kale oo ay ku lugleedahay ganacsi sharci darro iyo musuqmaasuq ku dhisan oo si qarsoodi ah loo kala gudbiyo oo ay wadaag ku yihiin madaxda Carbeed ee shirkadda hoggaamiya, madaxda maamulgoboleedyada iyo safiirka Imaaraadka carabta ee Soomaaliya qaabilsan. Hub suuqa madow lagu iibiyo, gaadiid ciidan iyo mid shacab oo ay ka mid yihiin kuwa aan xabbaddu karin,  sadaqada dawladaha, ururrada iyo tujaarta carabtu bixiso sida raashinka barakacayaasha, qaxootiga iyo danyarta loogu deeqo oo suuqa madow lagu iibiyo. Ganacsigaasi musuqa ku dhisan saldhiggiisu iyo barta laga hooggaamiyaa waa  xarunta SARACEN ku leedahay Boosaaso uu marar badan ah meel si qorsoon loogu kala wareejiyo   badeecooyin dhulal kala duwan loo kala diro.

Dekededda Boosaaso ayaa tiro dhawr jeer laga dejiyay hub, gaadiid noocyo badan leh, raashin iyo dawooyin laga soo baryay dawlado carbeed iyo turkiga. Hubka iyo gaadiidka ciidanka ayaa  madaxda carbeed ee bixiyay looga dalbaday in lagu xoojinayo  ciidamada ammaanka ee maamullada Soomaaliya kuwaas oo la sheego in ay dagaal qadhaadh ku la jiraan kooxo burcad badeed iyo argagixiso. Madaxda carbeed ayaa loo sheegaa in haddii ciidamada Soomaaliyeed ee xeebaba ku sugan laga taageero xagga saanadda, qalabka iyo maaliyaddaba in ay gacan wacaagsan ka geysan karaan hagaajinta ammaanka mandiqada taasina ay waxtar u leedahay sugidda amniga waddamada ku yaal gacanka carbeed.

Gaadiidka aan xabbaddu karin ee carabta laga soo qaaaday ayaa kolka hore la ballanqaadaa in la siin doono hawlwadeenada sare ee xukuumadda iyo kuwa maamula hay’adaha madaxabannaan ee rayidka ah. Hubkaas iyo gaadiidkaas inta badan waxaa deeq ahaan u bixiya sheekhyada waddamada carabta, gaar ahaan kuwa ka taliya immaaradaha carabta ee midoobay.

Dabadeed marka hubka, gaadiidka iyo raashinku u ay soo gaaraan dekedda Boosaaso ayaa lagu wareejiyaa SARACEN iyana xeradeeda ay ku xaraysaa. Hubkaas iyo gaadiidka ayaa dabadeedna tafaariiq iyo jumlo intaba looga iibiyaa ciddii lacag haysata oo gobolkan geeska africa joogta oo badeecadan qiimaha jaban joogta iibsan karaysa. Lacagta iibkaasi ka soo xarootana waxaa qaybsada madaxda maamullada ee badeecadan magacooda lagu soo qaado, safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya iyo madaxda SARACEN oo adeegyada rarista iyo dejinta, xaraynta iyo farsamadaba gacan ka geysta.

Shirkaddan oo si sharci darro ah kusoo gashay kuna joogta dalka ayaa heshiis qarsoodi ah waxaa hore ula galay Madaxweyihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud (Faroole), dabadeedna waxaa heshiiskaasi u cusboonaysiiyay ninka Faroole beedelay Cabdiwweli Maxamed Caligaas.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa joogitaanka SARACEN iyo hawlgalkeedaba ku tilmaantay mid sharci darro ah oo xadgudub ku ah cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya. Hay’adda Qaramada Midoobay waxay walaac ka muujisay qarsoonaanta ajandaha shirkaddan oo ay ku tilmaantay mid shakibadan abuuraya.

Baarlamaanka maamulgobleedka  Puntland ilaa hadda ma oggolaan joogitaanka shirkaddan.

Shirkaddai waxaa kale oo ay ku lugleedahay ganacsi sharci darro iyo musuqmaasuq ku dhisan oo si qarsoodi ah loo kala dugbiyo oo ay wadaag ku yihiin madaxda Carbeed ee shirkadda hoggaamiya, madaxda maamulgoboleedyada iyo safiirka Imaaraadka carabta ee Soomaaliya qaabilsan. Hub suuqa madow lagu iibiyo, gaadiid ciidan iyo mid shacab oo ay ka mid yihiin kuwa aan xabbaddu karin,  sadaqada dawladaha, ururrada iyo tujaarta carabtu bixiso sida raashinka barakacayaasha, qaxootiga iyo danyarta loogu deeqo oo suuqa madow lagu iibiyo. Ganacsigaasi musuqa ku dhisan saldhiggiisu iyo barta laga hooggaamiyaa waa  xarunta SARACEN ku leedahay Boosaaso uu marar badan ah meel si qorsoon loogu kala wareejiyo   badeecooyin dhulal kala duwan loo kala diro.

Dekededda Boosaaso ayaa tiro dhawr jeer laga dejiyay hub, gaadiid noocyo badan leh, raashin iyo dawooyin laga soo baryay dawlado carbeed iyo turkiga. Hubka iyo gaadiidka ciidanka ayaa  madaxda carbeed ee bixiyay looga dalbaday in lagu xoojinayo  ciidamada ammaanka ee maamullada Soomaaliya kuwaas oo la sheego in ay dagaal qadhaadh ku la jiraan kooxo burcad badeed iyo argagixiso. Madaxda carbeed ayaa loo sheegaa in haddii ciidamada Soomaaliyeed ee xeebaba ku sugan laga taageero xagga saanadda, qalabka iyo maaliyaddaba in ay gacan wacaagsan ka geysan karaan hagaajinta ammaanka mandiqada taasina ay waxtar u leedahay sugidda amniga waddamada ku yaal gacanka carbeed.

Gaadiidka aan xabbaddu karin ee carabta laga soo qaaaday ayaa kolka hore la ballanqaadaa in la siin doono hawlwadeenada sare ee xukuumadda iyo kuwa maamula hay’adaha madaxabannaan ee rayidka ah. Hubkaas iyo gaadiidkaas inta badan waxaa deeq ahaan u bixiya sheekhyada waddamada carabta, gaar ahaan kuwa ka taliya immaaradaha carabta ee midoobay.

Dabadeed marka hubka, gaadiidka iyo raashinku u ay soo gaaraan dekedda Boosaaso ayaa lagu wareejiyaa SARACEN iyana xeradeeda ay ku xaraysaa. Hubkaas iyo gaadiidka ayaa dabadeedna tafaariiq iyo jumlo intaba looga iibiyaa ciddii lacag haysata oo gobolkan geeska africa joogta oo badeecadan qiimaha jaban joogta iibsan karaysa. Lacagta iibkaasi ka soo xarootana waxaa qaybsada madaxda maamullada ee badeecadan magacooda lagu soo qaado, safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya iyo madaxda SARACEN oo adeegyada rarista iyo dejinta, xaraynta iyo farsamadaba gacan ka geysta.

Inkasta oo wejiga dhabta ah SARACEN uu yahay kaa noocyada badan ee aan ka soo hadalnay,  haddana shirkaddan ayaa dalka lagu soo dejiyay welina ay ku joogta shaqo maqaarsaar ah oo aan ahayn tan dhabta ah ee ay dalka u joogto. Maamulayaasha Puntland waxay ku doodaan iyo shacabkoodana u sheegeen in shirkaddani Puntland u timid in ay u tababarayso ciidan booliis ah oo la dagaallama burcad-badeedda iyo maraakiibta sida sharcidarrada ah uga kalluumaysta badda Soomaaliya qaybta ay Puntland ka maamusho. Haseyeeshee hawlgalka keli ah ee la xidhiidha burcad-badeed ee ciidaka SARACEN fuliyeen wuxuu ahaa dabayaaqadii sannadkii 2012 mid lagu soo furtay shaqaale 20 ka badan oo madaxfurasho burcaddu ugu haysteen xeebta Garacad  muddo sannad ka badan. Weerarkan ayaa la qaaday markii qaar ka mid ah dawladahii ay ka dhasheen shaqaalaha la haystay ay ka codsadeen Cabdiraxmaan Faroole in uu sameeyo dedaal kasta oo lagu soo furan karo shaqaalahaas ku jirey muddada dheer gacanta burcadda.

Xagga kalluumeysiga sharci darrada ah kolka aan eegnana waxaa cad oo markhaati loo ahayaa, aniga qudheyduna aan joobjoog u noqday bartamihii 2015 askarta SARACEN (oo maamulku u ula baxay PMPF) oo difaacaysa doonyo iyo markab laga lahaa dalalka Iiraan, Koonfurta Kuuriya iyo Yemen oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysanayay xeebta dhow ee degmada Baargaal, ka dib markii kalluumaysto degmada degaanka ahi ay isku xilsaareen soo qabashada maraakiibta iyo doonyahaas doolka ah. Bil ka dib xeebta degmada Baargaal waxaa ku soo xidhay markabkii iyo doonyihii  kalluumaysatada degaanku ay hore u qabteen ka hor intii ayan ku wareejin ciidanka SARACEN. Markan markabka iyo doonyahani waxaa ay wateen ruqsad looga soo jaray Boosaaso.

Ayaandarro aad u weyn bay ku tahay Soomaali in 56 sano kadib markii ay Soomaaliya ka xorowday gumaystayaashii Reer Yurub ee sida foosha xun u cadaabi jirey, in maanta carab calooshooda u shaqaystayaal ah ay Soomaali dhulkoodii ku karbaashayaan. Maanta tani waa taasaale yar oo aayaha cayn wareegay ka mid ah. Badanaa inta sidan iyo si ka xanuun badan loo uusduugey oo aan laga warhelin dulmiga lagu falay ee lagayaabo in kol horeba ajnabiga dalka qabsaday iyo dullaaliinta u shaqaysaa ay xogtooda aaseen. Bal iyana eega waxa ka dhacaya gobollada koonfureed ee dalka iyo sida AMISOM u gumaadeyso shacab masaakiin ah iyo xoolahooda. Wali ma aragteen kuwan madax-ku-sheegga ah oo maalin qudha dhibkaa ka hadlaya? Mase ka hadli karaan xitaa hadday hadli lahaayeen?

Waxaase iyana ayaan darro taa kasii liidata ka dhigan in aynaan fahamsanaynba waxa dhacay, macnaha ay leeyihiin iyo xaalka maanta dal iyo dadba ku sugan yihiin. Arrinka ma waxaaba loo arkaa tacaddi caadi ah oo u baahan in caddaalad loo helo iyo dhibaato si fudud looga xaali karo oo aan uga tacsiyeynaynno qoysaska dhibbanayaasha?  Mise aan maamulka maqaarsaarka ah ee aan nuxur ahaan jirin baan caddaalad ka magan uga nahay? Walaalayaal fadlan hurdada aan ka toosno oo aan aragno in aan ku jirno xero ku taal dhul bad iyo berriba la dhaxal wareejiyay oo dadkiisii lagu dhex addoonsanayo. Milkiilayaasha (landlords) addoonta iyo dhulkaa lehina milkigoodaas sidii ay doonaan bay ugu tagrifalaan, ciddii kula dooddana gardarray u arkaan.

Dad baan arkaa, marna  ka maqlayaa iyaga oo leh “ragga ajnabiga ah ee muwaadiniinta ku xadgudbay waa in caddaalad la hor keenaa oo sharcigu shaqeeyaa! ” iyo “dawladdu wax ha ka qabato!” caddaaladdee? Sharcigee? Ma sidaas bay idin la tahay? Oo ma dal xor ah oo muwaadinku caddaalad helo baynu joognaa? Wax badan baad caddaalad sugtaan, inta aynu riyo-maalmeedka ku jirno. Sharciga iyo caddaaladdu miyaanay dalka lala wareegay ka mid ahayn. Xaggee ku kala haraan? Xaggee ku aragteen Sayid iyo addoonkii oo loo garqaadayo caddaaladna loo simayo?

Haddaba maanta maxaa Soomaaliyeey nala gudboon?  Maanta hawsha noo taal hadal ma aha, calaacal arrintu ma joogto. Waxaa ay taagan tahay wax-ka-falid. Waa halgan gobonimodoon degdeg ah iyo isxoreyn xaal u buka.Waxa keliya ee maanta noo bannaan waa ku dhaqaaqista dariiqii aynu xorriyad dib ugu hanan lahayn. Waa naf iyo maalba wax loo huro. Waa baadidoonka karaamada luntay. Shaqadaasna cid noo qabanaysa ma jirtee, waa aniga iyo adiga cidda ay martida u tahay. Kuwa ugu horreeya oo halgankaasi aan isaga weecinaynno waa calooshooda u shaqaystayaasha’ (missionaries) diirka nooga eg ee dullaalka u ah kuna gudban isticmaarka, in nalgu addoonsado ciiddeenna horseedka ka ah. Kuwaa marka aan ka takhalusno ayaa wajihi doonnaa xogagga gumeysiga cusub ee SARACEN ka mid tahay.

Addoonsiga iyo dulliga lagu falay muwaadiniinta lagu haysto xerada SARACEN ee Boosaaso aayaan dhammaanteen kuwada xukumannahay haddii aynaan isbadbaadin oo aynaan ka hortegin inta arrintu daboqabasho leedahay.

Qofkii taa diyaar u ah taladiisu waa wax ku ool. Qofkii kalese riwaayadda arliga taal ha iska sii daawado inta toogadiisu ku imanayso ee albaabka loo soo joogsanayo. Sheeko-baraleyda ah “dawladbaan nahay” iyo “xor baan nahay ” ha kusii madadaasho. “Gobanimada hawl yari ninna kuma helaayoo, halkay taal wax kaa xiga halis iyo dhib weeyoo habeen nimaan u guurey hoo lama yidhaahdo.” waa dardaarankii uu nooga tagay waddanigii run-sheegga ahaa, Alle ha u naxariistee Xaaji Aadan Afqallooc.

RI’ WALIBA SHILLALKA AY IS DHIGTO BAA LAGU QALAA.

Burhaan Daahir, Suxufi iyo xogbaadhe (researcher) madaxbannaan,

Email: burhaandaahir@gmail.com

Tel: +252 90 775 1975


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)