Safiirka Cusub China Ee Soomaaliya Oo Kulan Qarsoodi Ah La Yeeshay W/Arimaha Dibada Soomaaliya

Kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa wada qaatay Mas’uul katirsan Wasaarada Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya iyo Safiirka China ujooga Dalka Soomaaliya.

Shirkaasi oo ahaa mid Albaabada uxirnaa ayaa waxa Danjire Qin Jian uu la kulmay Agaasimaha Guud Ee Xiriirka Caalamiga ah Ee Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya ninka la yiraahdo Dahir Salad Hassan.

 

RIIX HALKAAN SI AAD U AKHRISATO FAAH FAAHIN DHEERAAD AH

Waxay kawada hadleen Labada Mas’uul sidii loo sii xoojin lahaa Xiriirka udhaxeeya Labada Dal islamarkaana Safiirka uu ku Amaanay Isbadelka Dawlada Soomaaliya ay la timid.

Agaasime Salaad Xasan waxa uu dhankiisa kaga mahad celiyey is garab taaga iyo taageerada Waqti fog ilaa hadda ay siineyso Soomaaliya ayna taariikhda xusi doonto waxay uqabteen oo garab ah Dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Shiinaha ayaa dhisay Meelo Caan ah oo ka mid ah Muqdisho iyo Gobollada Dalka oo ay kujirto Garoonka Dedan Ee Istaadiyamka Muqdisho,Cusbitaalka Banaadir iyo Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya,iyagoo Laamiyo badan oo ilaa hadda is badelin ay mashruuc ku qaateen Shiinuhu ay udhiseen Soomaaliya 40 Sano ka hor.

Waxaa Warbixintaan Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)