Safiir Wali aanan Helin Aqbalaad Madaxweyne oo Si Tuugnimo ah Kaga Shaqo Bilaabay Magaalada Muqdisho

Safiir Dowladda UK usoo magacowday Soomaaliya David William Concar, ayaa muqdisho ka bilaabay Kulmo uu la qaadanayo Ururada bulshada rayidka iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka xiligaan ka jira kaasi oo wali aanan helin aqbalaad madaxweyne.

Sida xeerarka diblumaasiyadeed ay dhigayaan ma jiro safiir isaga oo aan la aqbalin ka shaqo bilaabi kara dalkii loo magacaabay, balse hadda ayay Magaalada Muqdisho ka dhacday, kadib markii Safiir Dowladda UK usoo magacowday Soomaaliya David William Concar howshaan bilaabay.

Safiirkan cusub oo lagu magacaabo David William Concar ayaa waxaa dowlada UK ay soo magacowday dhamaadkii dowladda Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuuna kusoo aaday xiligii doorashada lagu jiray, todobaadkana Gudihiisa waxa uu la kulmay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen guuleed oo ay kawada hadleen arrimo badan.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)