Sababta Miisaaniyadda Lacago badan loogu qoondeeyay Puntland oo la ogaaday [Akhriso]

Iyadoo dood weyn ka dhalatay lacago loo qoodeeyay maamul Goboleedyada, taasoo ka dhex muuqatay Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ayaa la ogaaday sababta dhalisay arrintan.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in lacagaha maamulada ugu qoran miisaaniyadda ay tahay mashaariic Bankiga adduunka iyo hayado kale ka fulinayaan maamul goboleedyada dalka ayna u kala badan yihiin sidii ay u kala horeeyeen oo ay ku xiran tahay sida loo ogolaado mashaariicda.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in lacagahaasi aanay ahayn mid dowladdu siineyso maamulada, balse ay yihiin lacago ku qiimeysan mashaariicda laga hirgelinayo maamulada, wuxuuna caddeeyay in maamulada cusub ay sidoo kale heli doonaan mashaariicdaasi oo u baahan wadahadallo, dowladuna diyaar u tahay inay gacan siiso maamuladaasi.

AKHRISO LACAGAHA LOO QOONDEEYAY MAAMULADA DALKA

Puntland $ 4,675,000

Jubbaland $ 2,695,000

Galmudug $ 1,425,000

Koofur Galbeed 1,425,000

Hirshabeelle 750,000

G/Banaadir $ 7,000,000

Dad badan ayaa su’aalo ka keenay qaabka lacagaha sare ku qoran oo ku jira miisaaniyadda loogu qoondeeyay maamuladda, waxaana ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka Federaalka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)