Sabab la’yaab leh oo diyaaradii madaxweynaha Puntland Kismaayo u qaadi lahayd oo Garoowe lagu dajiyay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa waxa uu maanta uqorsheysneyd inuu gaaro Magaalada Kismaayo Ee Jubbaland.

Wafdiga Madaxweyne Dani waxay kuamo Ilaa xalay la lahaayeen xubno ka socday dawlada Dhexe oo ay kala hadleen Labo qodob oo kala ahaa in Dawlada la wada hadal siiyo iyo in laga joojiyo Safarkiisa Kismaayo.

Siciid Dani ayaa ogolaaday in wada xaajood laga dhex furo Dawlada Dhexe iyo Puntland Balse uu diiday dalabka ah in laga celiyo Safarkiisa Kismaayo.

Wafdigii Madaxweyne Siciid Dani ayaa Boosaaso ka dhoofay iyagoo Garoowe tegay balse waxaa ay dib udhigeen Socdaalkoodii Kismaayo.

Xubnihii Garoonka Kismaayo joogay ayaa la war geliyey inay baaqdeen oo soo dhaweynta loo diyaariyey,berri subaxna ay Wafdigaasi Kismaayo kicitimi doonaan.

Sababta Baajisey Wafdiga Siciid Dani ayaa ah in Garowe ilaa Kismaayo diyaarada ay usoconeso 3 saac sidaa awgeedna aysan diyaarintooda iyo xilliga safarka ay Habeen ku aadayaan,oo Garoonka laga degi Karin.

Waa Tallaabadii 2aad Ee Jubbaland ay dooneyso inay Isbuucaan Wafdi ka qeyb galaya Caleemo saarka Axmed Madoobe geyso Kismaayo,iyadoo Diyaarad gaar ah adeegsaneysa ay sheegtay Inay soo iibsadeen.