Rasaas Laga Maqlay Afaafka Hore Ee Xarunta Golaha Shacabka & Banaanbaxayaal X.S Abaabushay Oo…

Xarunta Golaha Shacabka Ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa la sheegayaa inay maanta ciidamada Booliska ay rasaas ku kala ceeriyeen dad isku soo baxay.

Afaafka Hore Ee Xarunta Baarlamaanka ayaa waxa Banaanbaxayaal ay soo agaasimtay Xukuumada Kheyre waxa la sheegay inay Ciidanka Ilaaliya Aaga Xarunta Golaha Shacabka ay kala ceeriyeen.

Qaar ka mid Ah dadkii Xukuumada taageerayey waxay sheegeen inay ahaayeen kuwo Dibad bax Nabadeed dhigayeen balse loo diiday inay Codkooda soo bandhigeen.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Isku soo baxayaashani ahaayeen kuwo doonayey inay Baarlamaanka Fariin ugu diraan Qadiyada C/kiriin Qalbi dhagax oo ay u arkayeen in ay sax tahay.

NAGA FILO CODKA DADKA LA RASAASEEYEY EE BANAANBAXA KA DHIGAY MAANTA MUQDISHO


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)