Ra’isul Wasaare ROOBLE oo lagu eedeeyay inuu afduubtay aqoonyahay si weyn u taageersan Farmaajo

Waxaa wali dalka Kenya lagu la’yahay Professor Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad kaa oo markii hore lagu bartay inuu si dhex dhexaadnimo leh u falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya balse markii dambe u xuubsiibtay taageerida madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo.

Xaliimo Maxamed oo ah xaaska Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa sheegtay in afduubka seygeeda Aqoonyahan Cabdiwahaab ay ogaadeen inuu ku lug-leeyahay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Prof. Cabdiwahaab ayaa laga afduubtay bartamaha magaalada Nairobi oo uu deganaa, waxayna xaaskiisa iyo walaashiis warbaahinta u sheegeen in aysan garaneyn illaa hadda halka lagu hayo Cabdiwahaab.

“Cabdiwahaab maalinkii afaraad ayuu naga maqan yahay, waxaana na soo gaartay in amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble uu ku xiran yahay, runtii aad ayaan ula yaabnay arrintaas, waa laga fiican yahay anagoo Soomaali ah in aan dad kale isku adeegsano,” ayey tiri Xaliimo Maxamed.

Xaaskiisa ayaa sheegtay in Cabdiwahaab uusan wax u jeedo ah ka laheyn Soomaaliya, balse uu mar walba ka hadli jiray waxa ay dantu ugu jirto dalkiisa Hooyo.

“Wax aan la gambaneyno ma ahan, waa rasmi in xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble uu ku lug leeyahay arrinta Cabdiwahaab, hadii dhib soo gaaro Cabdiwahaab, waxaa mas’uuliyadda qaadaya Rooble,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xaliimo Maxamed oo ah xaaska Prof. Cabdiwahaab.

Faa’iso Sheekh Cabdisamad oo ay walaalo yihiin Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa sheegtay inay aad uga xunyihiin oo ay ka walwalayaan maqnaasha Prof.

Faa’iso Sheekh Cabdisamad ayaa sidoo kale tiri  “Waxaa naloo soo sheegay in xafiiska Rooble uu codsaday in Prof. Cabdiwahaab loo soo qabto, taasna ma aanaa filaneyn, sababtoo ah Cabdiwahaab nin Soomaaliya dano kaleh ma ahan, waa nin jecel in Soomaali midowdo, mana jiro wax dembi ah oo loo heysto,”