Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo xaalad adag oo siyaasadeed xiligan Wajahaya

Tan iyo intii talada Itoobiya uu qabtay Dr. Abiy Axmed waxaa uu qaaday tallaabooyin uu ku furfurayo siyaasadda dalkiisa si loo hagaajiyo sumcada, xiriirka caalamka iyo tan gobolkaba.

Waxuu aqbalay go’aanka uu gaaray guddiga xadaynta xuduudda Itoobiya iyo Eritrea, taas oo horseedday in labada dal xiriirkoodu ku soo noqdo halkii uu taagnaa dagaalka Itoobiya iyo Eritrea ka hor.

Hagaajinta xiriirka Itoobiya iyo Eritrea waxay gobolka ka abuurtay jawi nabadeed, kaas oo suurtaggeliyay saddex arrimood: (1) In kooxaha mucaaradka Itoobiya fariisimada ku lahaa Eritrea ay doorteen heshiis, hubkana dhigeen, islamarkaasna ay ku soo noqdeen Itoobiya, iyagoo dariiq nabadeed ku cabbiraya aragtidooda; (2) In Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay samaystaan isbahaysi gobolka u horseeda xasillooni, furfurnaan siyaasadeed, iyo isdhexgal dhaqaale; iyo (3) Inay Eritrea ka baxdo go’doonkii siyaasadeed, lagana qaado cunaqabataynta hubka.

Dhanka kale, Dr. Abiy Axmed waxaa uu oodda ka qaaday maxaabbiistii siyaasadda u xirnaa, waxaa uu oggolaaday warbaahinta gaarka loo leeyahay, waxaa uu xirxiray saraakiil sarsare oo lagu eedeeyay inay gaysteen xadgudubyo xuquuqda aadanaha, waxaa uu dhegaystay cabashada ka imaanaysay qowmiyadda Sidaamo, taasoo afti laga qaaday ay u horseedday inay noqoto ismaamulkii 10aad.

Balse, dhammaan tallaabooyinkan waxaa ka biyaddiiday xisbiga qowmiyadda Tigreega (TPLF) oo ku dhowaad 30kii sanadood ee la soo dhaafay gacanta ku hayay hoggaaminta iyo qaabaynta siyaasadda Itoobiya. Xisbiga TPLF wuxuu u arkay  heshiiska lala galay Eritrea mid dhabar jab ku ah qowmiyadda Tigreega ee Itoobiya, maadaama dhulka lagu dagaallamay ay sheegtaan qowmiyaddaas.

Waxase aad u kala fogeeyay qowmiyadda Tigreega iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya aasaasidda xisbi cusub, kaasoo loo abuuray inay ku midoobaan dhammaan qowmiyadaha Itoobiya, iyadoo laga guurayo xisbiga EPRDF oo ay jabhadda TPLF  taladiisa dhabta ah gacanta ku haysay, islamarkaasna u suurtaggelisay qowmiyadda Tigreega inay uga faa’iideysataan nidaamkaas danahooda qowmiga ah tan iyo 1991.

Labada xisbi waxay ku kala duwan yihiin mabda’a ilaalinta xuquuqda aasaaska u ah dalka cidda la siinayo. Xisbiga cusub (Prosperity Party) waxuu ilaalinayaa xuquuqda qofka, halka xisbigii EPRDF ee hoggaanka Itoobiya soo hayay tan 1991 uu mudnaanta siinayay ilaalinta xuquuqda qowmiyadaha.

Bishii Nofembar, Dr. Abiy wuxuu shaaca ka qaaday in axsaabta isbahaysiga EPRDF ee talada dalka haya ay kala diri doonaan, iyagoo  noqon doona  xisbi  qura oo mideysan loona  bixiyay  Xisbiga Barwaaqo (Prosperity Party).

Xisbiga EPRDF, oo horay u qaatay afkaarta Marx-Lenin, wuxuu ahaa xoogga siyaasadeed ee Itoobiya ilaa iyo markii uu xukunka qabtay Meles Zenawi 1991. Halka xisbiga Prosperity Party oo la abuuray bilo ka hor, la doonaayo  in uu dalka u horseedo doorashooyin dimoqraaddi ah oo qabsoomi doonta bisha May 2020.

Meles Zenawi waxuu dalka Itoobiya ka sameeyay afar xisbi oo aan sinnayn oo mid walba lagu qoondeeyay inuu matalayo mid ka mid ah qowmiyadaha waaweyn ee dalka ka jira: Jabhadda Tigreega ee (TPLF), Ururka Oromada ee Dimuqraaddiga (OPDO), Ururka Dhaqdhaqaaqa Dimuqraaddiga ee Qaranka (ANDM), iyo Koonfurta Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda Dadweynaha Itoobiya (SEPDM).

Xaqiiqdii, seddexda dambe waxay ahaayeen xisbiyo magacuyaal ah oo kooxda TPLF u qoondaysay inay matalaan danaha qowmiyadaha waaweyn ee dalka (Al Jazeera December 05, 2019).

Saddex ka mid ah afarta xisbi ee qowmiyadeed ee ka tirsan isbahaysiga talada haya ee EPRDF, ayaa u codeeyay Khamiista December 1, 2019 inay noqdaan hal xisbi oo keliya. Sidoo kale, shan xisbi goboleed oo ka kala socda Cafarta, Jambella, Harari, Benishangul Gumz iyo gobollada Soomaalida ayaa iyaguna ku soo biiray xisbiga cusub.

Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Prosperity Party “Xisbiga Barwaaqo sooranka ay ka go’an tahay xoojinta iyo adeegsiga nidaam federaaliga oo dhab ah, kaasoo aqoonsan kala duwanaanshaha, ayna ka qayb gelayaan dhammaan dadka Itoobiya” ( VOA – December 04, 2019).

Go’aanka Dr. Abiy Axmed uu ku kala diray Xisbiga EPRDF, waxaa uu dhanka fikradda jaal ka wada dhigay Xisbiga TPLF, ONLF iyo OLF oo matalaya qaar ka mid ah jabhadihii dagaalka kula jiray xukuumadda garwadeenka ka ahaayeen qowmiyada Tigreega ee xisbiga TPLF.

Falanqeeyaasha siyaasadda, waxay qabaan in dalka Itoobiya ay ka dhalatay labo aragti siyaasadeed oo mabda’ ahaan iska soo horjeeda, kuwaasoo keeni kara in dadka ay u kala saftaan xuquuqda la hormarin doono: Ma xuquuqda muwaaddinka (Shakhsiga) mise  midda qowmiyadaha? Labadan mabd’a siday ukala guulaystaan ayuu ku xiran yahay masiirka Itoobbiya. Labadubana waxay ku leeyihiin gudaha Itoobiya dad aad u taageera.

Haddaba, waa maxay farqiga muuqda oo u dhaxeeya labadan aragtiyood?

b) Mabda’a ah in Itoobbiya ay weli ku jirto marxalad muddo dheer la cabburiyay oo ku salaysan in qowmiyadaha ay ka turjumaan, ilaaliyaan hormariyaan danaha siyaasadeed iyo hiddaha dadkooda. Dadka mabda’an qaba waxay ku adkaysanaayaan in fikradaha Prosperity Party aysan Itoobbiya weli u bisleen, sidaas daraaddeed waxay qabaan in Abiy Axmed uu hordhacay.

t) Mabda’ kale oo lagu tilmaamo “Pan-Ethiopian” wuxuu ku salaysan yahay in dalka uu baahan yahay inuu ka gudbo nidaamka ku dhisan qowmiyad iyo qabiil uuna u gudbo heer casriyaysan oo hormarinaayo sinnaanta xuquuqda  muwaaddiniinta Itoobbiya.

j) Xisbiga Barwaaqo sooranka wuxuu fidinayaa caqiido dhaqaale oo xor ah taasoo door weyn ku siin doonta dhaqaalaha gaarka loo leeyahay (Private sector). Isbedalka ayaa ah mid la yaab leh (cabsi leh), maadaama istraatiijiyadii horumarinta ay uu dalka hirgeliyay ay soo hooyday koboc dhaqaale degdeg ah.

Dhanka kale, go’aanka Dr. Abiy Axmed wuxuu si weyn u kala qaybiyay qowmiyadda Oromada oo uu ka soo jeedo. Dr. Jawaar Maxamed oo hoggaaminayey banaanbaxyadii looga soo horjeeday hoggaanka Itoobiya, maantana si weyn uga horyimid qorshaha cusub ee Dr. Abiy Axmed.

Waxaa xusid mudan in Dr. Jawaar Maxamed oo leh warbaahinta Oroma Media Network, uu ku dhawaaqay inuu isusoo sharrixi doono  doorashada la filayo inay dhacdo horaanta 2020. Taas oo ay dad badan u arkaan inay qaybinayso awooda qowmiyada Oromada.

Falanqeeyaasha siyaasadda gobolka qaarkood waxay rumeysan yihiin inay Itoobiya marayso marxalad kala guur ah. Tirada dadka oo kordhaysa, kheyraadka iyo maamulka oo aan si siman loo wadaagin inay keeni karto inay xoogaysato dagaalka u dhaxeeya qowmiyadaha Itoobiya, taas oo dhaawici karta midnimada Itoobiya.

Hadabba, furfunaanta siyaasadda iyo dabacsanaanta uu la yimid Dr. Abiy Axmed ma horseedi doontaa inay Itoobiya u kala daadato sida, tusbax go’ay (Yugoslavia) oo kale mise waxay noqon doontaa dal mideysan, balse ku kala tagsan mabda’? Su’aasha taagan waxay tahay: Shacabka kilinka 5aad (gobolka Soomaaliya), ma u bisil yahay mabda’aan “Pan Ethiopian-ka ah,” mise weli kama dhergin in uu isu maamulo Soomaali ahaan (siyaasad, dhaqan iyo hiddaba), inkastoo madaxda kilinka ay raaceen fikradda Prosperity Party?

W/Q Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Cariif