Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo qaaday talaabo uu horey usameeyay MD Farmaajo & Fariin Shacabka ku socota

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa codsi gaara u diray shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Ra’iisal wasaaraha ku  sheegay inuu u baahan yahay tallooyinka iyo fikradaha shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka dalbaday inay  tallooyinkooda soo gaarsiiyaan.

“Si aan u helno tallooyinka iyo fikraddaha shacabka Soomaaliyeed, waxaan u baahanahay aragtidiina” ayuu Ra’iisal wasaare Kheyre ku yiri farriintiisa isagoo dadweynaha la wadaagay email ay ugu diri karaan aragtidooda.

Hore waxaa tallaabadan oo kale u sameeyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo markaas kadib aan la maqlin wax fal celin ah iyo halkii ay mareen fikradihii loo jeediyay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)