Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo Jabuuti u tagay ka qaybgalka Shirweynaha Waxbarashada Afrika.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tagay Jabuuti.

Garoonka diyaaradaha Dalkaas waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Cadaaladda Jabuuti, Danjiraha Soomaaliya ee Jabuuti iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka waxa ay kulamo hordhac la qaateen Wasiirka Cadaaladda Jabuuti oo ay kawada hadleen xiriirka labada dal.

Jabuuti waxaa ka lagu qabanayaa shirweynaha Waxbarashada Afrika oo ay ka qaybgalayaan madax kala duwan oo ka kala socota Dalalka Afrika.

Ka qaybgalayaasha kulanka waxa ay soo bandhigi doonaan heerka Waxbarasho Dalalka Afrika iyo qorshaha Mustaqbalka dhaw lagu hormarinayo.

Waxaa jiro shirar doceedyo ay yeelanayaan mas’uuliyiin kala duwan ee ka qaybgaleysa shirweynaha Waxbarashada Afrika ee lagu qabanayo Jabuuti.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa dhankiisa la filayaa in uu qaabilo qaar kamid ah Wasiirada Waxbarashada Wadamada Afrika ee shirka lagu marti-qaaday.

Dowladda Jabuuti waxa ay guddi u xilsaartay soo dhaweynta Wufuudda lagu casuumay ka qaybgalka Shirka Waxbarashada oo qorshuhu yahay in maanta uu ka furmo Jabuuti.