Ra’iisal Wasaare Kheyre: ”Qofna ka ogolaan meyno dhaliil dalka lagu duminayo” [DAAWO JAWAAB KULUL]

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul oo aan hore loo arag uga hadlay siyaasadda dowladda Federaalka iyo xukuumadda uu hoggaamiyo ku socdaan.

Xasan Cali Kheyre oo caawa ka hadlyay  munaasabad lagu xusayay maalinta Calamka Soomaaliyeed oo lagu qabtay garoonka kubadda koleyga Muqdisho ayaa sheegay inaysan dhici doonin inay noqdaan madax markii is qabqabsi yimaado albaabada soo xirta oo khalkhal la geliyo.

Wuxuu si dadban ula hadlay madaxda maamul goboleedyada ee maanta war-murtiyeedka kasoo saaray magaalada Kismaayo isagoo yiri: ”Waxaan codsanayaa inaan dib ugu noqon inaan qabiil iyo qabyaalad dib ugu noqon, cidna laga ogolaan dhaliil ujeedo gaara laga leeyahay iyo dhaliil lagu doonayo in lagu dumiyo dowlada.. waxaan leeyahay Soomaaliya hore ayay u socotaa ee gadaal u noqon meyso” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Haddii ay arki jirteen in la niyad jabo way dhammaatay in la niyad jabo  haddii is jiidjiid yimaado inay madaxdu niyad jabaan waxaan idin balan qaadayaa inaysan madaxda idin hortaagan ma ahayn kuwaas  maalmo ayaa la qeylinayaa madaxda qolalkooda ayay ku noqonayaan waxaan idin balanqaadeynaa inaan idinla tegi doono meesha ugu danbeysa.. Soomaaliya waxay ku socotaa meel barwaaqo ah, annagaa ujeedna oo idin soo aragnay” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay