Home WARARKA Qoys Ku Waxyeeloobay Madaafiic Gurigooda ku Habsatay Maanta Degmada Baardheere

Qoys Ku Waxyeeloobay Madaafiic Gurigooda ku Habsatay Maanta Degmada Baardheere

2
0

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in Madaafiic Maanta gelinkii hore lagu weeraray Degmada Baardheeere taasi oo khasaaro geysatay.

Koox aan la heyb garan ayaa Banaanka Magaaladaasi Dhowr Hoobiye kasoo tuuray kuwaasi oo Madaafiicdu ku habsadeen Guryo Shacab deggnaayeen.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in mid ka mid ah Hoobiyeyaasha uu ku dhacay Guri Qoyskii degganaa Afar Qof Ka mid ah ka dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay waxaa tiro ahaan ay gaarayaan 7 Qof waxaana labo ka mid ah ay yihiin kuwo aad uliidato Xaaladooda dhaawaca soo gaaray awgiis,sida uu sheegay mas’uul katirsan Maamulka Gobolka Gedo.

Al Shabaab ayaa inta badan Madaafiic ku garaaca goobaha ay deggan yihiin ciidanka Dawlada Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM Gobolka Gedo,waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa Shicibka aan waxba galabsan.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here