Home WARARKA Qorshe Ka Duwan Wasaaradaha Kale Oo Wasiir C/raxmaan Daahir Dejiyey Sanadkaan 2018

Qorshe Ka Duwan Wasaaradaha Kale Oo Wasiir C/raxmaan Daahir Dejiyey Sanadkaan 2018

3
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa ka hadlay qorshaha wasaaradda 2018 iyo howlaha hortabinta u leh.

Wasiirka ayaa ugu horreyn ka hadlay qorshaha wasaaradda u dagsan saddexda sanno ee soo aaddan uu ku saleysan yahay tayaynta waxbarashada:

“2018 qorshooyin aad u waaweyn ayaa noo yaallo, qorshihii istiraatiijiyadda waxbarasho ee saddexda sanno ee soo aaddan waan diyaarinnay taas oo gabi ahaanba ka hadlaysa waxbarashada tayadeeda.”

Waxa uu ka hadlay in wasaaraddu ay macallimiin u gaar ah oo ay mushaar siisoo soo xareynayso si iskuulaad lacag la’aan lagu dhigto guud ahaan dalka loogu baahiyo:

“Waxyaabaha aan rabno sanadkan inaan soo hagaajinno waxa weeyaan inaan soo xareynno macallimiin dowladda u shaqaysa oo aan annagu xukunno oo mushaarka aan anngu siinno, sababata aan u soo qaadanayno waxa weeynaan inaan baahinno waxbarshada oo aan sameynno iskuullo dadweynuhu ay ku dhiganayaan lacag la’aan, taasi waa ahmiyaadka ugu horreeya ee waaweyn noogu jira oo kaliya maaha inaan ka sameynno Xamar ee laakiin gobollada oo idil aan rabno inaan gaarsiinno, taasi waa mid.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in sanadkan 2018 la dhaqangelin doono manhajkii midaysnaa oo illaa dugisga sare la dhameystirayo:

“Waxaan rabnaan inaan soo saarno manhajkii midaysnaa buugaagtiisa oo hadda aan dhameystirnay illaa glass-ka 4aad oo qoraalkoodu soo gabagaboobaayo oo aan rajeynayno illaa dugsiga sare in lasoo daabaco oo la dabaqo. Markaa waxyaabo badan oo aan aad ugu taameynno hamigeennu uu ku fakaraayo ayaan rabnaa sanadkan inaan ka dhabaynno.”

Si kastaba, shaqadii ugu weynayd ee wasaaradda waxbarashadu ay qabatay 11bilood ee lasoo dhaafay ayaa ahayd dib u qaabaynta wasaaradda oo isku shaandhayn lagu sameeyay agaasimayaasheeda, waana sida uu sheegay wasiir C/raxmaan.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here