QM & J/Land oo Kismaayo ku shiray fariina usoo diray madaxweynaha cusub ee dalka Farmaajo

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, iyo wafdi uu hoggaaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo oo  xarunta ah Maamul Goboleedka Jubbuland e, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Kismaayo ku tagay Micheal Keating, waxaana uu sheegay iney ka wada hadleen arrimo badan oo abaaraha iyo doorashooyinkii dalka ka dhacay ay kamid yihiin zovirax price.

Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Jubbaland ay kamid tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna diyaar u tahay fulinta amarada dowladda Federaalka, waxaana dhanka kale uu madaxweyne Farmaajo ugu baaqey in isagana uu dhex dhexaad u noqdo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)