Qatar oo Jawaab lama filaan ah ka bixisay Talaabadii Imaaraadka uu ku jabsaday Wakaaladooda

Agaasimaha warfaafinta dowladda Qatar  Sheikh Saif bin Ahmed Al-Thani, ayaa sheegay in Imaaraadka ay ku kaceen fal dambi ah oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah kadib markii ay jabsadeen wakaaladda wararka Qatar.

“Qatar waxa ay muddo sheegeysay in wakaaladda warraka dowladda la jabsaday 24-kii May, laguna daabacay hadallo been abuur ah oo loo nisbeeyey amiirka” ayuu yiri Sheikh Saif bin Ahmed Al-Thani.

Waxa uu sheegay in warbixinta sirdoonka Mareykanka ee lagu daabacay wargeyska Washington Post ee ah in Imaaraadka ay ka dambeeyeen arrintan ay caddeyn u tahay inay ku kaceen fal dambiyeed.

“Waxaa wax aad looga naxo ah in falkan burcadnimo uu ku kacay dal nagala tirsan golaha iskaashiga khaliijka” ayuu yiri.

“Falkan dambiyeed wuxuu xadgudub cad ku yahay xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyada ay wada galeen dalalka xubnaha ka ah iskaashiga khaliijka, ururka Jaamacadda Carabta iyo ururka Islaamka. Waxaan qaadi doonaa tallaabo aan caddaaladda ku horkeeno kuwii ka dambeeyey dambigan”ayuu yiri.

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday shalay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka dambeysay afduubkii Internet ee lagu sameeyey hay’adaha warbaahinta dowladda Qatar ee dhaliyey xiisadda ka aloolsan gacanka Carbeed.

Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya saraakisha ayaa qoray in 24-kii bishii May la qabsaday wakaaladda wararka Qatar, kadibna lagu daabacay hadallo loo tiriyey amiirka dalkaas Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani, oo uu ku ammaanayo Iran iyo ururka Xamas, kuwaasi oo qiil looga dhigtay in xiriirka loo jaro Qatar.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)