Home WARARKA Qarax Xoogan oo lala beegsaday Maqaayad ay dad shacab ah ka qadeynayeen

Qarax Xoogan oo lala beegsaday Maqaayad ay dad shacab ah ka qadeynayeen

2
0

War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray ayaa waxaa uu sheegayaa in uu qarax xoogan ka dhacay Maqaaxi laga cunteeyo.

Maqaayada uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ay ku taalaa Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay 7 ruux oo shacab ah, Maqaayada la qarxiyay waxaa inta badan fadhiisan jiray Ciidamada Dowlada.

Taliyaha Ciidamada Booliska Degmada Qoryeeleey Ayaa xaqiijiyay in wax khasaaro ah uusan soo gaarin ciidanka.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here