Qarax Xoogan oo ka dhacay Sh/Hoose+Shabaab oo Ciidanka AMISOM Gaadiid Ka Gubay

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Qarax Xoogan laga Maqlay Deegaan katirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lala Eegtay Kollonyo katirsan Ciidanka AMISOM oo marayey Deegaanka Ceel wareegoow.

Ciidanka loo galay Wadada waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwo ka baxay Muqdisho kuna sii jeeday Deegaanka Shalaabood,waxaana la ogeyn khasaaraha AMISOM gaaay.

Qaraxaasi ayaa Shabaab mar ay ka hadleen waxay sheegteen in Gaadiid ay wateen Ciidanka AMISOM ku gubeen aaga Ceel wareegoow Ciidan la socday Baabuurtaasina lagu laayey.

Weli ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka AMISOM oo looga hadlayo wixii ka dhacay Deegaanka Ceel wareegoow oo weerar jid gal ah ay Kollonyadooda kala kulmeen Ururka al Shabaab.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)