Home WARARKA Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Sh/Hoose Askarna Ku Waxyeeloobeen iyo Shabaab Oo...

Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Sh/Hoose Askarna Ku Waxyeeloobeen iyo Shabaab Oo Ka Hadlay

2
0

Wararka aynu ka heleyno gobalka Shabeelada hoose ee Konfurta dalka Somalia ayaa  sheegaya in qeybo ka mid ah gobalkaasi in uu ka dhacay qarax khasaare u geystay ciidamo katirsan kuwa dowlada somaliya.

Qof ka mid ah Dadka deegaanka ayaa faah faahin ka bixiyay qasaaraha rasmiga uu geystay iyo cida lala eegtay intaba, dadka deegaanka ayaa intaa ku daray in qaraxaasi uu ahaa kuwa miinooyinka dhulka lagu aaso, dhimasho iyo dhaawacna ay ku noqden askar katirsan dowlada Somaaliya oo ku sugnaa agagaarka deegaanka ceelwareegow ee duleedka shalanbood ee gobalka shabelaha hoose.

Maxamad cismaan yariisow oo kamid ah saraakiisha ciidamada koofur galbeed ee gobalka shabeelaha hoose ayaa sheegay in qaraxaasi uu jiro, ayna ku dhinteen 2 askari halka ruux halkaa ka ag dhawaana uu ku geeriyooday qaraxa mino ee dhulka lagu asay.

Warar lagu baahiyay Warbaahinada taageera  Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ka danbeeyeen xubno katirsan Al-shabaab, laguna dilay ilaa afar askari oo ciidamada dowladda katirsanaa, halka lagu dhaawacay  askar kale oo kamid ahaa ciidamo ku sugnaa duleedka deegaanka shalanbood.

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan qaraxa qasaaraha dhaliyaya ayaa ku waramaya in ciidamada dowlada soomaaliya halkaasi ay ka wadaan dhaq dhaqaayo ciidan oo ay ku baadi goobayaan ragii ka danbeeyay qaraxa miino ee dhaawaca iyo dhimashada ay ku noqdeen ciidamada dowladda somaaliya.

Bilihii ugu danbeyay gobalka shabeelaha hoose waxaa kusoo badanayay qaraxyada iyo weerarada lagu qaado ciidamada Amisom & ciidamada dowladda ee ka howlgala gobalka shabeelaha hoose soomaaliya.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here