Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo & Dhimashada Oo 10 Qof Ku Dhaw

Qarax Xoogan ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhacay Magaalada Kismaayo meel duleedka uga beegan,waxaana lasoo sheegayaa in khasaaraha ka dhashay ay warar dheeraad ah kasoo baxayaan.

Miino nuuca dhulka la geliyo ayaa lala Eegtay Gaari nuuca Dagaalka ah oo Ciidanka Jubbaland ay kusugnaayeen meel duleedka Kismaayo ah.

Al Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada weerarkaasi waxay Warbaahintooda ka sheegteen in Tobaneeyo askari oo katirsan Maamulka Jubbaland inay ku dileen Qaraxaasi.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen tiro askar kale Ah.

Dadka goob joogayaasha ah waxay sheegeen inay maqleen Jug xoogan balse aysan ogaan karin waxyeelada inta uu gaarsiisan yahay.

Ma jirto war ah oo kasoo baxay Maamulka Jubbaland oo ay kaga jawaab celinayaan weerarka lagu qaaday Gaari ciidankooda la socdeen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay