Qarax Ka Dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

Abaare 1:25 Duhurnimadii ayaa mar keliya Jug weyn laga maqlay Xaafadaha Qaar Ee Magaalada Muqdisho iyadoo warar hordhac ay soo gaarayaan Warqabadkeena.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Dukaan Qalabka Electronica lagu iibiyo.

Nuuca Qaraxa lama oga,warar ayaa sheegaya in Bam uu ahaa,iyadoo warar kale sheegayaan in Haan Gaas ay qaraxday.

Lix Qof ayaa ku dhaawacmay sida Goob jooge sheegay oo Cusbitaal loola cararay,ciidamada Amniga ayaa goobta gaaray oo diiday isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Bur bur ayaa soo gaaray Dukaanka Waaya Arag Electronic oo ah meesha qaraxa ka dhacay waxaana uu kasoo horjeedaa Bankiga Salaam Bakaaraha.

Laamaha Amniga Dawlada ayaa waxaysan weli ka hadlin Qaraxaasi.