Qarashka Ku Baxay Safar Uu Maanta Xasan Sheekh Iyo Qoyskiisa Ku Aadeen Turkiga (Akhriso)

Maanta waxaamagaalada Muqdisho ka amba baxay madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnihii ugu dambeeyey qoyskiisa ee ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh waxaa magaalada Muqdisho ka kaxeysay diyaarad gaar ah oo isaga u kireysan, waxaana diyaaraddaasi ay qaadeysay oo kaliya isaga iyo qoyskiisa.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa cadadka lacagtii ku baxday safarkan oo kaliya iyo xaaladda ay ku sugan yihiin dadkeenna Soomaaliyeed.

Safarkaan waxaa ku baxday lacag dhan 457 kun oo doolar, waxaana sidoo kale macquul ah in lacagta ay intaan kasii badato.

Xasan Sheekh ayaa la aaminsan yahay in lacagtii ugu badneyd uu ka sameeyey mudadii uu xilkaan hayey, waxaana Xasan dowladdiisa lagu eedeeyay musuq.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay