Qaar kamid ah Musharaxiin La Tartamayay Wasiiir Kamid ah Dowladda oo Doorashada Laga Qariyay

Qaar kamid ah Musharaxiintii horay ula Tartamay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Xasan “Nuux” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aan lagu soo Wargelin Doorashada Maanta lagu dooranayo Magaalada Muqdisho.

Axmed Sheekh Nuur oo ahaa Shaqsigii Doorashada la galay Wasiir Nuux ee Shaqaaqadu ay ka dhacday Xilligii ay ka socotay Jowhar ayaa sheegay in Saddex Musharax oo uu ku jiro aysan ku jirin Doorashada Maanta islamarkaan aan loo wicin,waxaana uu Xusay in Arrintaan ay wataan Guddiga Doorashooyinka Dadban iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)