Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya oo ka baaqday wadahadalka doorashada

Mdaxweyneyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ee kala ah Puntland iyo Jubaland ayaa ka nagaaday shir uu hoggaamiyeyaasha heer federaal iyo heer dowlad goboleed isugu yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankan ayaa la filayay in lagu soo afjaro ismariwaaga ka taagan hannaanka doorashada Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaasha labada maamul goboleed ee Puntland iyo Jubaland ayaa sheegay in aysan hadda wixii ka dambeeya aqoonsaneyn Madaxweyne Farmaajo – oo uu muddo xileedkiisa dhammaaday 8-dii bishan February iyadoo aan wali la dooranin madaxweyne baddala.

Xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa Axaddii Twitterka soo geliyay sawirro muujinaya isaga oo la kulansan afarta madaxweyne ee maamul goboleedyada kale.

War-saxaafadeed shalay kasoo baxay Kismaayo ayaa lagu sheegay in Jubaland aysan shirikaas ka qeyb geli doonin ilaa ay dowladda federaalka raalligelin ka bixiso waxa ay ku tilmaantay “tallaabada gurucan ay u geysatay muwaadiniinta” iyo in la helo damaanad-qaad ku aadan fullinta natiijada shirka.

Maalintii Jimcada ayuu magaalada Muqdisho ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay laamaha amniga iyo mudaharaadeyaal doonayay in uu madaxweynaha xafiiska ka tago.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraar madaxweynaha u oggolaanaya in uu xilka sii hayo ilaa inta laga soo dooranayo madaxweynihii beddali lahaa.