Home WARARKA Q.M oo Go’aan Aan La fileyn Ka Qaadatay Khilaafka Qatar & Xulufada...

Q.M oo Go’aan Aan La fileyn Ka Qaadatay Khilaafka Qatar & Xulufada Sacuudiga

2
0

Qaramada Midoobeey ayaa markii ugu horeysay waxay war kasoo saartay Qadiyada Qatar iyo Dalalka Khaliijka Carabta udhaxeysa.

Warbixin lagu soo daabacay Al Jazeera Qeybteeda Afka Ingiriiska ayaa lagu muujiyey Sida UN-ku uga xun yihiin Xasaradaan Carabta ka dhex jirta Qaarkood.

Uqaabilsanahay Qaramada Midoobeey dhinaca Uxuquuqul Insaanka Zeid Ra’ad Al Hussein ayaa ka hor yimid Go’aankii Qatar Xiriirka Loogu jaray.

Waxa uu Masar,Imaaraat-ka,Baxreyn iyo Boqortooyada Sacuudigu ugu baaqay inay ka laabtaan Xiriirkii diblomaasi ay ujareen Qatar.

Zeid Hussein ayaa sheegay in arintaan ay isku dayi doonaan sidii Xal looga gaari lahaa ayna ku baaqayaan wada hadal laga galo Arintaan soo cusboonaatay.

Waxa Q/M ay ku tilmaamtay Qatar in la cunuqabateeyo ay ka dhalan karto Arimo Bini’aadanimada ka hor imaanaya sidaa awgeedna ay ku talinayaan in gunta dhiisha loo dhigo.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here